Soo-Dhaweyn
axad 15 juillet 2007
Xasuuqa naxariis dara ah ee ciidamada Marakaykan iyo kuwa Itobiyaanku ku hayaan umadda Soomaaliyeed awgeed, ayaa ururkani u istaagay in uu dadweynaha Soomaaliyeed ku wacyi geliyo shabakadan (website-kan); sidii ay ku jiri lahayd noloshii qaranku, wada jirna loogu difaaci lahaa sharafta iyo madaxbanaanida; awood wadajir ahna laysugu geyn lahaa sii jiritaankeeda.
Si loo gaaro ujeedooyinkaas, maaha in la isticmaalo maskaxda, muruqa iyo maalka umadeena oo keliya ee waa in aan ka faa’iidaysanaa khibradaha iyo waayo-aragnimada umaddihii inaga horeeyey, inagoo fahamsan sida ay lagama maarmaan u tahay in aan haysano xornimo iyo madaxbanaani.
Waxaa lama huraan ah in aan garowsano baahida hogaamiye nagu haga wadada qaranimo, kaasi oo leh hagar la’aan iyo karti uu ku horkaco dhaqdhaqaaqa wax-iska-caabinta. Hoyaamiyahaas oo mudan in la dhegaysto laguna adeeco wadada cad ee lagu gaari doon guul wax ku ool ah.
Waxaa dhab ah in aan ku jirno imtixaan weyn oo aan qarankeenu hore u soo marin. Laakiin waxaa xaqiiqo ah fitnooyinka waaweyn qaybtood in ay yihiin fursad weyn oo lagu gaari karo guulo waaweyn. Waxaa inala jira Rabigeen. Waxaan cidna ka dahsoonayn in kuwa inagu soo gardarooday iyo goob-xun-u-jooga la jiraa ay bilowgii hore guulo gaareen, hase yeeshee, khaladaadkooda ciida ka badan ee maangaabnimada jahligu u dheer yahay awgeed ayey dib ugu hafan doonaan. Cadaalad iyo madaxbanaani ayaana geyiga camiri doona insha Allaah.
Ereyada muhiimka ah
1000
Brookfield Rd suite A Ottawa; Ontario K1V 2J6
Tel : (613) 730-6396 Cell: (613) 884-6396 Fax: (613) 730-7751








